Wasiir Fiqi Oo Kulan Sagootin Ah La Qaatay Wakiilka iyo Wakiil Ku Xigeenka Soomaaliya Ee UNHCR

 

Muqdisho 10 Janaayo 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi oo ay wehliso Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga Iyo Barakacayaasha Marwo Safiyo Xasan Maxamed ayaa maanta xafiiskiisa kulan sagootis iyo is xog wareysi ah kula yeeshay mudane Magatte Guisse iyo Marwo Sanaa Omer oo ka tirsanaa Xafiiska UNHCR ee Soomaaliya kuwaas oo ay u dhammaatay howlihii shaqo.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa hadal kooban uu jeediyqy uga mahadceliyay shaqadii wanaagsanayd ee ay Soomaaliya ka qabteen, gaar ahaan in xalwaara loo helo arrimaha qaxootiga iyo barakaca isaga oo sidoo kale guddoonsiiyay shahaado sharaf.