Muqdisho 10 Janaayo 2024; Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Caydaruus Macallim Xasan ayaa guddoomiyay kulan Aqoon Isweedaarsi Ku Saabsan Astaynta Awoodaha iyo Maamul Baahinta. Aqoon Isweedarsiga la xiriira Astaynta Awoodaha Dowladda iyo Maamul Baahinta ayaa waxaa kasoo qabygalay Masuuliyiin & howlwadeenno ka kala socda Wasaaradaha iyo Hay’adaha Madaxabannaan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.