Wasiir Fiqi Oo Ka Qaybgalay Dood Ay Soo Qabanqaabisay Xarunta Wadahadalka Qaran

 

Muqdisho, 08 Janaayo 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa caawa ka qaybgalay madal Cilmiyeed lagu falanqeeyay “Waayaha cusub ee Soomaaliya: Micnaha iyo Muhiimadda ku biiridda urur Goboleedka Bariga Afrika”.

 

Mudane Aadam Shiikh Xassan Hilowle oo ah La taliyaha Siyaasadda loo dhanyahay ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa soo jeediyay Xog ku saabsan Xarunta wadahadalka Qaran iyo ahmiyadeeda.

 

Mudane Maxamed Isaaq Fatiir oo ah Agaasimr Waaxda Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa ka qaybalayaasha u sharxay Hayaanka Waayaha Cusub ee Soomaaliya ee ku biirista Urur Goboleedka Bariga Afrika iyo faaidooyinka uga jira gabacsatada iyo guud ahaan Soomaaliya.

 

Mudane Adan kulow Maalim oo ah
Lataliyaha Arimaha Shacriga, Dowlad deegaanka Mandera ayaa ka qaybgalayaasha u sharxay Sooyaalka iyo heerarka uu soo maray Urur Goboleedka Bariga Afrika.

 

Sidoo kale Mudane Adan Kulow ayaa ku dheeraaday shuruucda iyo waxyaabaha ay tahay in ay ku dhaqmaan wadamada Urur Goboleedka Bariga Afrika.

 

Madasha oo ay soo qabanqaabisay “Xarunta Wadahadlka Qaran” ayaa waxaa kasoo qaybgalay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin; Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Haweenka XFS Marwo Aamina Xadan Cali,Guddoomiye ku xigeenka Amniga & Siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye( Yabooh), la taliyaha Madaxwaynaha JFS ee dhanka sharciga Mudane Ibraahim Iidle Sulaymaan iyo qeybaha kala duwan Bulshada Soomaaliyeed.