Wasiir Fiqi Oo Kummanaan Shacabka Reer Muqdisho Kala Qaybgalay Dibadbax Looga Soo Horjeedo Is-afgarad Maamulka Soomaliland Iyo Itoobiya

 

Muqdisho 03 Janaayo 2024; Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta kaqeybgalay dibadbax ballaaran oo ka dhacay garoonka cayaaraha ee Eng. Yariisow kaas oo shacabka deggan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ay uga horyimaadeen damaca Itoobiya ee ku aaddan dhul badeedka iyo dekadaha dalka.

 

Dibadbaxa oo ay soo qabanqaabiyeen maamulka gobolka Banaadir ayaa waxaa sidoo kale mas’uuliyiintii ka hadlay ka mid ahaa; mudane Maxamed Cali Xagaa Wasiiru Dowlaha Amniag gudaha, Xildhibaan Gobsan Muxmummed, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho mudane ⁠Yuusuf Jimcaale Madaale, guddoomiye kuxigeenka gobolka Banaadir ee amniga iyo siyaasadda mudane  ⁠Maxamed Axmed Diiriye Yabooh iyo qaar kale.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Axmed Macallim Fiqi oo ka hadlay munaasabadda ayaa shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay dareenkooda ku aaddan dal jacaylka iyo ka dhiidhinta damaca Itoobiya, isaga oo sooqaatay sooyaalka iskuyaddii guracnaa iyo damacyadii horay uga fashilmay.

 

Dhanka kale, Mudane Fiqi waxaa uu xusay in Raysal Wasaaraha Itoobiya uu u bareeray ku xadgudubka umadda Soomaaliyeed, isaga oo galay heshiis kusheeg oo meel uga dhacay dowladnimada, isla markaana aan laga yeeli doonin. “Abiy nin Jahawareersanbuu ahaan jiray, Suudaan kala qeybinteeda ayuu qeyb ka yahay, Djibouti ayuu la dirirsanyahay, haddana Soomaaliya halkii meel oo u fiyoobeed ayuu dagaal ku bilaabay” ayuu intaa raaciyay mudane Fiqi.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta waxaa uu adkeeyay in Abiy  uu doonayo dhibtaada ka haysata gudaha dalkiisa in uu iskaga damiyo abuuridda dhib kale, isagoo u sheegay in dadka iyo Soomaaliyeed dhulkooda aan dheeldheel lagu qabsan karin.

 

Ugu Dambayn, Dibadbaxa Shacabka Soomaaliyeed oo ay qeyb ka ahaayeen qeybaha kala duwan ee bulshada, ayaa waxaa ay  dareenkooda ku muujiyeen sida ay u diidan yihiin tallaabada Itoobiya, iyada oo ballanqaaday difaaca dalka.