Muqdisho 28 Dec 2023; Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Saadaad Maxamednuur Caliyow ayaa maanta guddoomiyay kulan guud oo ay kasoo qeybgaleen Agaasime waaxeedyada iyo La-taliyeyaasha kaas oo lagu soo bandhigay warbixinnada ku aaddan waxqabadka Wasaaradda ee 2023-ka, ballanqaadyada sanadka soo socda iyo guud ahaan adkeynta howlaha shaqo.
Ugu horreyn, Ku simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cabdicasiis Axmed Gurbiye ayaa sharaxay ahmiyadda kulankan, isaga oo waaxyada Wasaaradda iyo guddiga howshani qeybta ka ahaa uga mahadceliyay shaqada baaxadda leh ee ay soo qabteen, waxaa uuna faray in la dedejiyo wixii harsan.