Muqdisho 23 Dec 2023; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta shir guddoomiyey kulan guud oo uu goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha Wasaaradda mudane Sadaad Maxamednuur Caliyow ayna kasoo qeybgaleen agaasimeyaasha waaxaha iyo lataliyeyaasha.
Kulankan ayaa ajenduhu ahaa qiimeynta howlihii la qabtay sanadka 2023-ka, diyaarinta qorshaha Wasaaradda ee 2024-ka iyo guud ahaan ballanqaadyada Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta.
Bandhigga iyo dhageysiga warbixinno kala duwan kadib, Mudane Axmed Macallim Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya ayaa ku ammaanay waaxyaha iyo shaqaalaha howlaha wanaagsan ee ay qabteen 2023-ka, waxaa uu faray in si degdeg ah lagu soo bandhiyo qorshaha sanadka 2024-ka iyo ballanqaadyada, isaga oo kula dardaarmay kasoo qeybgalayaasha ilaalinta hufnaanta shaqo, daadejinta howlaha , xoojinta wadashaqeynta iyo arrimo kale.