Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Oo Qabatay Shirwaynaha Qaran Ee Soo Bandhigidda Hannaanka Dhab-u-heshiisiinta Qaran

 

Muqdisho 19-21 Dec 2023; Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Abdihakim Ashkir ayaa si rasmi ah u furay Shirweynaha Qaran ee Soo Bandhigidda Hannaanka Dhab-u-heshiisiinta Qaran.

 

Wasiir Ashkir ayaa faahfaahiyay heerarka uu soo maray Hannaanka, sidoo kale Wasiir Ashkir ayaa hoosta ka xarriiqay sida ay Wasaaradda ahmiyad ugu leedahay Dib-u-heshiisiinta.

 

La taliyaha Sare ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Prof Cabdulaahi Shiekh Cali ( Qalloocow) oo ka hadlay Shirweynaha Qaran ee Soo Bandhigidda Hannaanka Dhab-u-heshiisiinta Qaran ayaa hoosta ka xarriiqay ahmiyadda Hannaanka iyo heerarka uu soo maray.

 

Guddoomiyaha Ururrada Bulshada Raydka ah Mudane Cusmaan Muxudiin Shaatax oo ka hadlay Gagabagabada Shirweynaha Qaran ee Soo Bandhigidda Hannaanka Dhab-u-heshiisiinta Qaran ayaa sheegay muhiimadda uu leeyahay Hirgalinta Hannaanka Dhab-u-heshiisiinta Qaran, isagoo sheegay in Bulshada Raydka ah ay tahay kuwa la rabo in ay hirgaliyaan HDQ.

 

Guddoomiyaha Ururrada Bulshada Raydka ah ee Jubbaland Mudane Cabdifitaax Cali Faarax oo ka qaybgalaya Shirweynaha Qaran ee Soo Bandhigidda Hannaanka Dhab-u-heshiisiinta Qaran ayaa hoosta ka xarriiqay Dowrka Bulshada Raydka ah ee Hirgalinta Hannaanka Dhab-u-heshiisiinta Qaran.

 

Qaybgalayaasha Shirweynaha Qaran ee Soo Bandhigidda Hannaanka Dhab-u-heshiisiinta Qaran ayaa soo jeedinaya qodobada ay ka doodeen, si loogu biiriyo Hannaanka Dhab-u-heshiisiinta Qaran.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cayduruus Macaliim Xasan, ayaa soo xiray Shirweynaha Qaran ee Soo Bandhigidda Hannaanka Dhab-u-heshiisiinta Qaran.

 

Agaasime Cayduruus ayaa uga mahadceliyay kasoo qaybgalayaasha Shirka qodobada ay ku biiriyeen inta uu socday Shirka.

 

Ugu Dambayn, Shrikaan oo socday muddo seddex maalin ah ayaa waxaa kasoo qaybgalay Madax iyo Wakiillo ka socda Dowlad Goboleedyada Dalka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Ururrada Bulshada Raydka ah.