Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Oo Soo Bandhigtay Waxqabadkeeda Sanadka 2023

 

Muqdisho 17 Dec 2023; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa daahfuray  kulanka sanadlaha ee soo bandhigidda waxqabadka wasaaradda isaga oo sheegay in kulanka loo qabtay si bulshada Soomaaliyeed loo hortago isaga oo yiri “ Caawa waxaan is niri bulshada hortaga, oo aan horgeyno adeeggii nagula aaminnay, ma yahay sidii loogu talogalay, iyada oo duruufaha la eegayo, waxaan aqbalaynaa dhaliil nooca ay doontaba ha ahaato mid shakhsi ah iyo hey’ad intaba”.

 

Mudane Axmed Macallim Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya waxaa kale uu ka hadlay in la abaalmarinayo hey’adihii, waaxyihii iyo dadkii shaqo fiican qabtay “Shaqada Wasaaradda waa soo socotay ilaa 1956, waa la isku dhiidhiibyay, sanadkan waxaan abaalmarin guddoonsiin doonnaa qofka wax qabtay, iyada oo lasoo bandhigayo waxqabadkooda, Wasaaradda, maamul goboleedyada iyo degmooyinka guulaysay.”.

 

Inta uu socday kulanka waxaa la abaal mariyat Madax iyo Howlwadeenno ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS iyo Bahwadaagta la shaqayso Wasaaradda.

 

Shahaadada Hoggaaminta wacan ee sanadka 2023 waxaa ku guulaystay Maareeye ku xigeenka Hey’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta dadwaynaha (NIRA) mudane Cabdullaahi Biixi Xuseen. Mudane Biixi waxaa uu NIRA kasoo bilaabay meel eber ah, isaga oo waqti iyo nafba u huray in ay lugaheeda ku istaagto, noqotana hey’ad dhan walba sareysa, oo ka adag adeegga qaran ee Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta dadwaynaha.

 

Waxaa Biixi abaalmarinta u guddoomay Mudane Cali Abtidoon Xalane Oo ah lataliye sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta.

 

Abaalmarinta Shaqaalaha Sanadka ee 2023-ka, waxaa ku guulaysatay Faadumo Aweys Maxamed. Faadumo Maxamed waa xiriiriyaha Mashaariicda Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS, waxaa ayna ku muteysatay madaallennimada, howlkar iyo shaqowanaagga dheeriga ah ee ay muujisay sanandka 2023.

 

Waxaa Faadumo abaalmarinta u guddoontay marwo Safiyo Xasan Maxamed Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga Iyo Barakacayaasha Qaranka.

 

Abaalmarinta Waaxda ugu fiican sanadka 2023 waxaa muteysatay Waaxda adeegyada Dad-dhigista iyo Tirakoobka Dhacdooyinka Muhiimka ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS. Waaxdan ayaa ku heshay dadaalka ay gelisay horumarinta shuruucda, nidaamka iyo qorsheyaasha Dad-dhigista. Waxaana abaalmarinta la guddoonsiiyay Agaasinka “ADEEGYADA DAD-DHIGISTA IYO TIRAKOOBKA DHACDOOYINKA MUHIIMKA” mudane Cabdiqani Maxamed Wehliye.

 

Waxaa Shahaadada AQOONSIGA IYO MAHADNAQA SANADKA 2023, la siiyay mudane Cabdiraxmaan Axmed Faarax, oo ah La taliyaha Machadka Dowladaha Hoose ahna Xiriiriyaha Mashruuca JPLG ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dibuheshiisiinta.

 

Shahaadada Howlkarnnimada ee Adeegga Gargaarka Banii’aadanimada 2023 Waxaa la guddoonsiiyay Guddoomiyaha Hey’adda Maareynta iyo Musiibooyinka mudane Maxamuud Macallin Cabdulle. Mudane Maxamuud waxaa uu ku muteystay abaalmarintan shaqada adag ee uu qabtay labadii musiibo ee kala dambeysay ee Abaarta iyo Fatahaadaha iyo dhabar-adeygga isaga iyo kooxdiisaba.

 

Waxaa kale oo Shahaadada Aqoonsiga iyo Mahadnaqa Sanadka 2023-ka la guddoonsiiyay Agaasimaha Waaxda Sharciyada iyo Siyaasadda ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dibuheshiisiinta AVV. Cabdulaahi Maxamed Jimcaale Waaxdan ayaa sanad gudahiisa si guul ah ku dhameysay ilaa 15 Hindise sharciyeed iyo siyaasado oo hortabin u lahaa Wasaaradda iyo qaranka.