Muqdisho 10 Dec 2023; Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta kulan sagootin iyo xog isdhaafsi la yeeshey kuxigeenka ergeyga xogheyaha guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mrs. Anita Kiki Gbeho. Mudane Fiqi ayaa Kiki uga mahadceliyay howlaha baaxadda leh ee ay Soomaaliya kaqabatay muddada ay joogtay, isaga oo u rajeeyay guul howlgalka cusub oo UNka ugu aadi doonto Suudaan.