Muqdisho 07 Dec 2023; Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa Mudane Cayduruus Macallin Xasan ayaa si rasmi ah u furay Kulanka 2-aad Qorsheynta Howlaha Farsamo ee Asteynta Awoodaha Dowladda.
Agaasime Cayduruus oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in kulanka ujeedkiisu yahay in lagu turxaan bixiyo Shaqooyinka ay soo Gudbiyeen Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee loo asteeyay kulankii hore ee dhacay 21-22 Nov 2023.
La taliyaha Sare ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Prof C/laahi Shiekh Cali Qalloocow oo ka hadlay kulanka ayaa tibaaxay ahmiyadda ay leedahay in la asteeyo awoodaha Dowladda Heerarkooda kala duwan, gaar ahaan dhanka Dowladaha Hoose uu sheegay in ay gundhig u yihiin Dowladnimada.
Kulanka 2-aad Qorsheynta Howlaha Farsamo ee Asteynta Awoodaha Dowladda ayaa waxaa kasoo qaybgalay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Madaxabannaan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.