Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Oo Kulan La Qaatay Madaxa ATMIS

 

Muqdisho 29 Nov 2023; Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Mudane Cabdixakiim Ashkir ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxa ATMIS Amb. Maxamed El-Amine Souef.

 

Kulanka ayaa imaanaya iyaga oo ATMIS qalab xafiis ay ku wareejisay Wasaaradda taasi oo qeyb ka ah dadaallada hannaanka tayeynta dowlad dhiska Soomaaliya.

 

Howlgalka Ku Meelgaarka ah ee Midowga Africa ee Soomaaliya ATMIS ayaa Soomaaliya ka taageera dhinacyada Amniga iyo Nabad Dhiska, si Soomaaliya ay u hanato guud ahaan Amniga Dalka.