Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Oo Kulan La Qaatay Agaasimaha UNECA

 

Muqdisho 26 Nov 2023; Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay Agaasimaha Xarunta tirakoobka “African Centre for Statistics” ee hey’adda UNECA Oliver Chinganya iyo madaxa Demografigaiyo iyo tirakoobka bulshada William Muhwava.

 

Kulankan waxaa xoogga lagu saaray diiwaangelinta madaniga iyo tiakoobka dhacdooyinka muhiimka ah.

 

Kulankaan ay yeeshaan Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS iyo Agaasimaha Hay’adda UNECA ayaa kusoo aaday Xilli Muqdisho lagu qabtay Meertada 2-aad ee Shirwaynaha Guddiga Qaran ee Diiwaangalinta Madaniga oo ay kasoo qaybgaleen Wasiirrada Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedyada, Gobolka Banaadir iyo Saaxibada Caalamiga ah ee Soomaaliya ka taageera Geedsiga Dowlad dhiska.