Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Oo Daahfurtay Mashruuca Dowladaha Hoose PCG

 

Muqdisho 27 Nov 2023; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa si rasmi ah u daahfuray Mashruuca Dowladaha Hoose ee Talo Wadaag Maamul (PCG) oo ay Dowladda Soomaaliya ka taageerayso Dowladda Maeaykanka.

 

Wasiir Fiqi oo munaasabadda Daahfurka Mashruuca ka jeediyay kalmad Kooban ayaa sheegay ahmiyadda u leeyahay Mashruucan, isagoo uga mahadecliyay Dowladda Maraykanka, isagoo yiri “ waxaan rabaa inaan  uga mahadceliyo Dowladda Maraykanka iyo dadkeedaba taageerada kala duwan ee ay siiso dadka iyo dowladda Soomaaliya taasoo ah abaal weyn oo aan u hayn doono dadka iyo dowladda Maraykanka kaalmadaas oo timid xilli adag oo dadka iyo dowladda Soomaaliya ay u baahnaayeen kaalmadaas”

 

Sidoo kale, Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale tibaaxay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay waddo Dib-u-eegista Hannaanka Qaran ee Wadajir, isla markaana ay filyaan in uu Mashruucaan PCG Gundhig u noqda Hannaankaasi.

 

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Cabdi Maxamed Jaamaca Waayeel oo ka hadlay Munaasabadda Daahfurka Mashruuca Dowladaha Hoose ee Talo Wadaag Maamul (PCG) ayaa soo dhaweeyay Mashruuca, Sidoo kale Wasiir Wayeel ayaa Bogaadin u jeediyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Doorkeeda Hoggaamineed.

 

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane Cabdiraxmaan Daahir Guure oo ka hadlay Munaasabadda Daahfurka Mashruuca Dowladaha Hoose PCG ayaa sheegay in Mashruucaan kusoo aaday xilli loo baahnaaa oo deeganno badan oo Hirshabelle ka tirsan laga xoreeyay Kooxda Khawaarijta, isla markaana dadka ku nool deegannadaasi ay u baahanyihiin daadajinta Dowladnimada iyo Adeeg Bixin Dowladeed.

 

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Mahaad Mohamed Ciise oo ka hadlay Munaasabadda Daahfurka Mashruuca Dowladaha Hoose ee PCG ayaa soo dheeyay Mashruucan, isagoo u mahadceliyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi Doorkiisa ku aaddan Wadashaqaynta Wasaaradda iyo Wasaaradaha Dowlad Goboleedyada.

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Nuur Cumar Shaalle oo ka hadlay Munaasabadda Daahfurka Mashruuca Dowladaha Hoose ee PCG ayaa sheegay in Mshruuca PCG uu ahmiyad gaar ah u leeyahay Dowlad Goboleedyada Dalka, gaar ahaan Jubbaland. Agaasime Nuur ayaa sheegay in uu rajaynaayo in Mashruucaan PCG uu saamayn Togon ku yeelan Doono Maamullada iyo Dadka ku nool Degmooyinka laga fulin doono Mashruuca.

 

Agaasimaha  Arrimaha Xasilinta, Dimuqraadiyadda iyo Dowlad Wanaagga Hay’adda USAID Marwo Lisa Gutierrez oo ka hadashay Munaasabadda Daahfurka Mashruuca Dowladaha Hoose ee PCG ayaa Bogaadisay Mashruucan.

 

Mr. Shane Dixon, Ku Simaha Danjiraha Maraykanka Ee Soomaaliya oo ka hadlay Munaasabadda ayaa yiri ” Mashruuca PCG wuxuu matalayaa wadashaqaynta aan la leenahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, si aan wax uga qabanno arrimaha Dowladaha Hoose ee u baahan in aan gacan ka gaysanno”

Munaasabadda Daahfurka Mashruuca ayaa waxa kasoo qaybgalay Wasiirrada Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedyada Dalka, Hay’adaha USAID IYO DAI iyo Holwadeenno ka socda Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS.

 

Ugu Dambayn, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa si rasmi ah u xiray Munaasabadda lagu Daahfurayay Mashruuca Dowladaha Hoose PCG.