Muqdisho 26 Nov 2023; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa kulan la qaatay Danjiraha Cusub ee Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Danjire Karin Johansson.
Kulanka u dhaxeeya Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta iyo Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa looga hadlay Arrimo la xiriira Doorashooyinka, dedaallada Xasilinta ee Socda iyo Arrimaha Diiwaangalinta Madaniga oo ay waddo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Midowga Yurub ayaa Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ka taageera guud ahaan Geeddiga Dowlad Dhiska Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha Xasilinta, Nabadaynta iyo Dib-u-heshiisiinta.