Wasaaradda Arrimaha XFS Oo Qabatay Shirwaynaha 2-aad Ee Guddiga Qaran Ee Dad Dhigista

 

Muqdisho 26 Nov 2023; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta ku daahfuaray caasimadda Muqdisho Shirweynaha 2-aad ee Guddiga qaran ee haggida dad dhigista iyo dhacdooyinka muhiimka ah isaga oo kelmaddiisa kusoo qaatay ahmiyadda shirka, guddiga,  arrimaha qabsoomay, qorsheyaasha iyo arrimo kale.

 

“Shirweynaha 2-aad ee Guddiga qaran ee haggida dad dhigista iyo dhacdooyinka muhiimka ah ujeedkiisu waa soojeedin howlaha qabsoomay iyo kuwa la qorsheynayo sanadka soo socda, kaas oo ah hirgelinta  adeeg dad dhigis, oo sharciyad leh,  oo la isku halayn karo” ayaa ka mid ahaa erayada Wasiirka.

 

Mudane Axmed Macallim Fiqi oo sii hadlaya waxaa uu isdul istaagay ahmiyadda guddiga, isaga oo dhiirigeliyay in la xoojiyo wadashaqeynta iyo dadaallada kelkeli iyo midka wadajirka ah isaga oo yiri  “ Guddigaan, oo ah guddi xubnihiisu isku dhafan yihiin kuwaas oo metela  heer Dowladd Federaalka iyo dowlad goboleedyada, ayaa ah midka ay ku xiran tahay xilgudashadiisa guulaysiga ama guuldarraysiga adeegga dad-dhigidda. Sababta sidaas aan u leeyahay ayaa ah in xubin kasta oo Guddigaan ka mid ah ay hoggaamiso wasaarad ama hay’ad xiriir toos ah la leh adeegga dad-dhigidda. Sidaa daraaddeed, waxaan si xurmad leh kaga codsanayaa xubnaha Guddiga in aan xoojinno dadaalkeena, ha noqdo mid keli keli ah ama si wadajir ahba, ku aaddan ka miradhalinta dib-u-hirgelinta adeegga dad-dhigidda.

 

Inta uu socday Shirweynaha 2-aad ee Guddiga qaran ee haggida dad dhigista iyo dhacdooyinka muhiimka ah waxaa sidoo kale ka hadlay Wasiir kuxigeennada Wasaaradaha Caafimaadka Dr. Maxamed Xasan Bullaale, Dastuurka Axmed Cabdiraxmaan Xasan iyo Waxbarashada Mudane Axmed Cusmaan Dakharre

 

Wasiirradan ayaa ku bogaadiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya howsha la qabtay iyo ahmiyadda diiwaangelinta dhadooyinka muhiimka ah sida dhalashada, geerida iyaga oo ballanqaaday wadashaqeyn.

 

Sidoo kale Waxaa kalmado kasoo jeediyay maamulka gobolka Banaadir iyo qaar ka tirsan dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Soomaaliya. Maamullada kala duwan ee dalka ayaa xusay in degmooyinka ay diyaar u yihiin hirgelinta howlahan isla markaana ay sugayaan maalintii la bilaabi doono, uuna nidaamka muhiim u yahay caafimaadka, Waxbarashada, tirakoobka iyo guud ahaan bedqabka dadka iyo dalka.

 

Mudane Cali Cusmaan, lataliye sare xafiiska Ra’isul Wasaaraha XFS ayaa kasoo jeediyay Shirweynaha 2-aad ee Guddiga qaran ee haggida dad dhigista iyo dhacdooyinka muhiimka ah ajendaha iyo qorshaha sanadaha soo socda isaga oo sharaxay qaabka diiwaangelinta dhacdooyinka muhiimka ah, oo ay Soomaalida leedahay hoggaanka iyo lahaanshiyaha, hirgelinta Hannaan dhamaeysiran, qof walba helo xuquuq diiwaangelin oo dhab ah.

 

Garyaqaan Maxamed Axmed oo ah lataliyaha arrimaha sharciga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya ayaa Shirweynaha 2-aad ee Guddiga qaran ee haggida dad dhigista iyo dhacdooyinka muhiimka ah ka soojeediyay warbixin uu ku sharaxay sharciga Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaadaha Madaniga ah, heerarka uu soo maray iyo arrimo kale.

 

Ugu Dambayn, Shirweynaha 2-aad ee Guddiga qaran ee haggida dad dhigista iyo dhacdooyinka muhiimka ah iyo istiraatiijiyada waxaa bogaadiyay hey’adaha iyo saxiibada Soomaaliya sida; UNICEF, IOM, UNHCR, WHO, UNFPA/, UNDP iyo qaar kale.