Lusaka, Zambia 22 Nov 2023; Wasiirk Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi, oo ay wehliyaan hoggaamiyaasha Wadamada Africa ayaa Magaalada Lusaka ee dalka Zambia uga qaybgalay Shirka Wadatashiga Ee Maaraynta Socdaalka.
Wasiir Fiqi oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in tahriibku uu yahay caqabad laysla wadaago isla markaana ay u baahantahay tallaabo wadajir ah oo wax looga qabto.
Wasiirka ayaa sidoo kale tibaaxay in muhaajiriinta Soomaaliyeed iyo kuwa kale ee ku socdaala dalalka geeska Koofureed ay wajahayaan walaacyo la xiriira badqabkooda, sidaasi darteedna ay muhiim tahay in arrintaasi wax laga qabto si loo hubiyo badqabkooda.
Shirkaan oo ay kasoo qaybgaleen hoggaamiyaasha Wadamada Africa, isla markaana socday muddo seddex maalin ah ayaa maanta lagu soo xiray Magaalada Lusaka ee Dalka Zambia.