Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Oo Qabatay Kulanka Qorshaynta Howlaha Farsamo Ee Astaynta Awoodaha Dowladda

 

 

Muqdisho 21-22 Nov 2023; Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa Mudane Abdihakim Ashkir oo daahfuray Kulanka Qorsheynta Howlaha Farsamo ee Asteynta Awoodaha ayaa sheegay astaynta awoodaha iyo shaqooyinka ka dhalanaya ay muhiim u yihiin dowladnimada isaga oo kaqeybgalayaasha ku adkeeyay in ay si tafaariiq ah u furfuraan awoodaha heerarka kala duwan taasi uu ku sheegay mugga iyo miisaanka dowladnimada.

 

Dhanka kale, mudane Abdihakim Ashkir waxaa uu ka hadlay Faa’idooyinka Astaynta Awoodaha & Mas’uuliyadaha sida; Dowladnimada oo dadka loo dhoweeyo, Sare u qaadidda isla-xisaabtanka, Sare u qaadidda dadaallada dejinta siyaasadaha iyo ka qeybgalka bulshada, Daadejinta adeegga iyo ka warqabka baahida shacabka iyo Awoodsiinta mawaadinka iyo ka qeybgalka go’aannada khuseeya ama noloshooda taabanaya.

 

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Mudane Cabdixakiim Ashkir waxaa uu ka hadlay ahmiyadda kala saarista awoodaha isaga oo ka yiri “Mas’uuliyadaha marka ay kala cad yihiin, waxay suurta gala isla xisaabtanka, kormeerka iyo ka warqabka howlaha fulintooda socoto iyo kuwa dhamaaday, Isku xirka mas’uuliyadda, Howsha iyo dhaqaalaha baxaya, Howlaha waxaa fulinaya hadba heerka awood ku filan u leh, uguna dhow mawaadinka adeega loo qabanaayo – “subsidiarity principle” iyo Haddii aan awoodaha la kala qeexin waxaa ka dhalan kara in xiriirka heerarka dowldadda iyo adeegga muwaadinka loo qabayo ku timaado habacsanaan.

 

Mudane Cabdinaasir Xaaji oo ah Agaasimaha Waaxda Federaalaynta ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisinta XFS iyo Mudane Cali Cusmaan oo ah La Taliye Saree e Xafiiska Raysal Wasaaraha XFS ayaa ka qaybgalayaasha Kulanka Qorshaynta Howlaha Farsamo ee Astaynta Awoodaha Dowladda u jeediyay arrimaha ku saabsan heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran ee Astaynta Awoodaha iyo Waxyaabaha Qabsamooy Heshiiska ka dib.

 

Intaas ka dib, Khubarada ka kala socda Wasaaradaha iyo Hay’adaha Madaxabannaan Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka qaybgalaya Kulanka ayaa yeeshay Doodo iyo aragtiyo lagu turxaan bixinaayo arrimaha ahmiyadda leh labada maaalin ee uu socday Shirka.

 

Ugu Dambayn, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cayduruus Macallin Xasan ayaa soo xiray Kulanka Farsamo ee Qoshaynta Howlaha Farsamo ee Astaynta Awoodaha oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS.