ย
Muqdisho 19-20 Nov 2023; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa daahfuray ๐๐ฎ๐ฅ๐๐ง ๐๐๐๐๐ญ๐๐ฌ๐ก๐ข ๐ข๐ฒ๐จ ๐ ๐๐๐ก๐๐๐๐ก๐ข๐ง ๐ ๐๐๐๐ข ๐ฌ๐จ๐๐จ๐๐ค๐ ๐ก๐๐ง๐ง๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐จ๐จ๐ซ๐๐ฌ๐ก๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐ ๐๐๐๐ซ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐ก ๐๐ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐ (๐๐๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐ ๐๐๐) ๐๐ ๐๐๐ฒ ๐๐๐๐.
ย
โHoggaanka dalka Soomaaliya waxaa ay bishii May gaareen heshiis taariikhi ah oo ku saabsan arrin soo taagnayd oo ahayd in laga raro dalka doorasho dadban, oo loo guuro qof iyo cod โ ayaa ka mid ahaa kelmadda Wasiirka.
ย
Mudane Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa kaqeybgalayaasha ku booriyay in ay wax ku biiriyaan wadatashiga isaga yiri, โ Maanta wax ku daristiinna wadatashiga waa muhiim, sanadihii dambe heerka doorashada hoos u dhac ayaa jiray. marka si looga baxo, waa in aan xoog isugu geyno in la saxo, oo dalka loo jiheeyo doorasho qof iyo cod ah โ.
ย
Sidoo kale Munaasabadda waxaa laga soo jeediyay Warbixinno iyo Doodo Cilmiyeed ku aaddan faahfaahinta Heshiiska Hannaanka Doorashooyinka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee May 2023.
ย
Sidoo kale, Maalinta ee kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay Saaaxibada Caalamiga ee Soomaaliya ka taageeraa dhanka Dowlad Dhiska iyo Dimuqraadiyadeynta, waxaana halkaasi ka hadlay Masuuliyiin ka kala socda Dowladda.
ย
โ Lataliyaha Madaxweynaha Soomaaliya ee Arrimaha Dib u heshiisiinta mudane Dr. Cabdiraxmaan Cabdullahi Baadiyow oo ka halday madasha ayaa yiri โ54 sano ayaa kasoo wareegtay doorashadii ugu dambeysay Soomaaliya ee qof iyo cod Dimoqoraadi ah oo tartan loo galay
ย
Ugu Dambayn, Mudane Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqiย ka hadlay kulanka ayaa sharraxay ahmiyadda heshiiskii doorashada isaga oo ka yiri โSoomaaliya waxaa ay ku asteysan tahay madaxweynihii ugu horeeyay oo laga guulaysatay oo xilka iska dhiibay, taariikhdaas qiimaha badan ayaan leenahay, waxaa ay hoggaanka dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada goโaansadeen in aan lagusii jiri karin doorashooyin umadda kala qeybinaya oo aan loo sinnayn, oo qofka Soomaaliga ah lagu xadgudbo, waxaan la goโaansaday in nidaamka caalamiga ah la qaatoโ.
ย
Dhanka kale mudane Axmed Fiqi waxaa uu xusay sida matalaadda loogu celiyay shacabka โ23 sano ayaa lagu jiray xulasho oo odeyaal iyo ergo ah, hadda nidaamakan doorasho waa mid dadka lagu doorto ay kalsooni ka heystaan oo matali kara bulshadaโ ayuu hadalkiisa kusoo gabogabeeyay.
ย