Muqdisho 19 Nov 2023; Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi, ayaa caawa ka mid ahaa mas’uuliyiin kaqeybgashay munaasabad ballaaran oo loogu hambalyaynayo guusha ay gaartay Naadiya Ca dirisaaq Maxamed oo ku guulaysatay in ay noqoto Maayarka magaalada St. Louis Park ee dalka Maraykanka.
“Guusha Naadiya waa guul dadka Soomaaliyeed u soo hoyatey gaar ahaan dumarka Qurba-joogta ah oo kaalimo Hormuudnimo ah uga jira siyaasadda wadamada ay ku dhaqan yihiin “ ayaa hadalladiisa ka mid ahaa.
Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Axmed Fiqi waxaa uu u rajeeyay in ay ku guulaysato gudashada xilka weyn ee loo igmadey iyo in ay horey uga sii socoto.