Muqdisho 16, Nov 2023; Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Caydaruus Macallim Xasan ayaa kulan la qaatay guddi ka socday bulshada deggan xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Boondheere.
Kulanka oo la isku afgartay in ay banneeyaan xarunta Wasaaradda si dib u dhis loogu sameeyo, looguna adeego qaranka Soomaaliyeed ayaa waxaa sidoo kale goobjoog Senator Axmed Maxamed Cali( Afcadeey), guddoomiye kuxigeenka hey’adda Qaxootiga Maxamed Cabdullahi Salaad iyo xubno kale oo ka socday gobolka Banaadir iyo hey’adda Qaxootoga Adduunka.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS ayaa diyaarisay qorshihii sida ugu dhaqsiyaha badan Dib loogu dhisi lahaa xarunteedii hore.