Muqdisho 15 Nov 2023; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Ahmed Macallim Fiqi, ayaa maantay xarunta Hey’adda SODMA ee Muqdisho ku shirguddoomiyey kulan dhexmarey hey’adda SODMA iyo guddi matalaya bulshada gobolka Gedo ee arrimaha Fatahaadaha iyo Gargaarka, ayna hormuud ka yihiin wasiirro heer federal ah, kuwa heer dawlad goboleed ah, siyaasiyiiin iyo samafayaal ka tirsan Hey’adda Alraxma.
Kulanka ayaa ujeedadiisu wuxuu ahaa isu-duwidda iyo midaynta dadaaladda loogu gurmanayo degmooyinka ay Fatahaaduhu saameeyeen iyo dadka ku dhibaataysan goobahaas gaar ahaan gobolka Gedo oo ah gobol ay si weyn u saamaysay Daadadka soo rogmay iyo fatahaadaha wabiyaasha Jubba iyo Daawo.
Kulanka ayaa sidoo kale guddoomiye ku xigeenka hey’adda SODMA iyo maareeyaha Xarunta Qaran ee Gurmadka degdegga ah waxay ku soo bandhigeen xajmiga dhibaatada fataahaaduhu ay ka geysteen gobolada dalka, dadaaladda iyo gurmadka dawladda federaalka ah ay illaa iyo hadda ka samaysay dalka guud ahaan, gaar ahaan gobolka Gedo, iyo sidoo kale kuwa qorshaysan, caqabadaha jira iyo sida looga gudbi karo haddii bulshada iyo hey’addu ay iskaashadaan.
Xubno ka tirsan guddiga bulshada Gobolka Gedo ee isku xilqaamey wax ka qabashada fatahaadaha gobolkaas ku dhuftey ayaa sheegey in ay diyaariyeen illaa iyo hadda 7 doomood oo taalla Muqdisho iyo gurmad kale, ayna gacan uga rabaan dawladda sidii halkaas lagu gaarsiin lahaa.
Ugu Dambayn, Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa guddiga gobolka Gedo uga mahadceliyey dadaalkooda, wuxuuna soo dhoweeyey wada shaqayn dhow iyo isku xirnaan dhexmarta dadaalada bulshadu ay waddo iyo kuwa dawladda federaalka ah ay hormuudka u tahay taasoo wadajirkeeda ay ku badbaadi doonaan dad badan oo Soomaaliyeed, wuxuuna bulshada kale ee Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan gurmadka loo fidinayo dadka malyanka kor u dhaafay ee ku barakacey ama ay saameeyeen fatahaadaha iyo daadadku.