Muqdisho 13, Nov 203; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maantay xafiiskiisa ku qaabilay mudane Duraan Axmed Faarax wasiirkii hore ee Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS iyo Suldaan Cabdullaahi Cali Sheekh (Dhudhun).
Kulanka ayaa wasiirka waxaa warbixin laga siiyey isku dhacyo laba beelood oo walaalo ah isla markaana ood-wadaag ah ku dhexmaray deegaanno hoostaga degmada Goldogob bishii September 2023 iyo dadaallo nabadeed oo ay wadaan siyaasiyiinta, odoyaasha Dhaqanka iyo culimada labadaas beelood ka soo kala jeedda.
Wasiir Fiqi ayaa dhankiisa bogaadiyey dadaaladda nabadda ee socda iyo kaalinta ballaaran ee odoyaasha iyo culimadu ay ku leeyihiin, wuxuuna dhankiisa adkeeyey in wasiirada iyo xildhibaanada iyo siyaasiyiinta labadaas beelood ka soo jeeda ay kulmi doonaan, kaalintoodana ay ka qaadan doonaan sidii loo xaqiijin lahaa heshiisyadii shirarkii dibuheshiisiinta ee Bandiiradley iyo Goldogob ku dhexmaray beelahaas saddex sano ka hor, dhanka kalena ay qeybtooda ka qaadan doonaan gacan-siinta dadaalada nabadda ee socda iyo horumarka deegaanadaas.