Muqdisho 12 Nov 2023; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta kaqeybgalay daahfurka Nidaamyada Diiwaanka iyo Maareynta Ilaalinta Bulshada.
Khudbad kooban oo uu halkaasi kajeediyay, Mudane Fiqi waxaa uu xusay ahmiyadda barnaamijka la daahfurayo isaga oo kayiri “Waa nidaam xuquuq dadku leeyihiin ah, oo bulshadeennu ay tahay inta taakta daran in dowladda iyo bulshada kale ay kor u qaadaan, oo la kaalmeeyo oo lasoo istaajiyo”.
Ugu Dambayn, Mudane Axmed Macallim Fiqi, waxaa uu ka warbixiyay howlo ay qabato Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta oo xiriir la leh diiwaangelinta sida barnaamijka Aqoonsiga Dadweynaha iyo Dad Dhigista iyaga oo arrintan ka hadalaya waxaa uu ka yiri”Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Federaalka waxaa ay waddaa Barnaamijka Aqoonsiga Qaran oo ah in dadka la diiwaangeliyo, barnaamijka iyo kaas waxaan diyaar u nahay in aan isku xirno, waxaan kale oo aan wadnaa barnaamijka Dad dhigista oo ah diiwaangelinta kuwa dhasha iyo kuwa dhintay”.