Muqdisho, 04, Nov 2023; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi oo wehliyo ku simaha Guddoomiye Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye Ku Xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa furay Aqoon Isweedaarsiga Xog Uruuriyaasha Hannaanka Khariidadeynta Isku Dhacyada ka dhaca Gobolka Banaadir oo ay soo Agaasimeen Maamulka Gobolka Banaadir.
Ku Simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye Ku Xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa sheegay in khlifaadka ugu badan Gobolka Banaadir uu la xiriiro arrimaha dhulka, sidaasi darteed ay go’aansadeen in la dhiso aqoonta iyo xirfadda howlwadeennada Gobolka Banaadir ee ka shaqeeya arrimahaasi, si ay u keenaan xog waafi ah oo horseedda in xal rasmi ah looga gaaro.
Wasiir Axmed Macallim Fiqi oo ka hadlay madasha ayaa sheegay in ay lagama maarmaan noqotay in Gobol kasta laga sameeyo khariidadeynta khaliifyada ka dhaca, maadama ay kala duwanyihiin khilaafyadooda, si gobol kasta loogu dabaqo xalka ku habboon. Sidoo kale Wasiir Fiqi ayaa u mahadceliyay Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hay’adda UNDP.
Aqoon Isweedaarsiga oo socday muddo afar cisho ah ayaa lagu bartay Qaabka Xallinta Khalifaadyada ka dhaca Gobolka Banaadir, inta uu socday Aqoon Isweedaarsiga waxaa kusoo biiray Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Ku xigeennadooda iyagoo ay xog ka uruuriyeen Howlwadeennada la tabarayay.
Ku Simaha Duqa Magaalada Muqdisho ahna Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamuud Guure aya si rasmi ah usoo xiray Aqoon Isweedaarsiga Xog Uruuriyayaasha ee Hannaanka Khariidadeynta Khilaafyada ka Dhaca Gobolka Banaadir.
Ugu Dambayn, Munaasabadda Xiritaanka ayaa waxaa kasoo qaybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cayduruus Macallin Xasan, Xogahayaha Guud ee Gobolka Banaadir iyio Qaar ka mid ah Guddoomiyayaasha Dagmooyinka Maamulka Gbolka Banaadir.