Muqdisho 07 Nov 2023; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Kooxda Talo wadaag Mamuul ee USAID.
Kulanka ay yeesheen Kooxda Talo wadaag Mamuul ee USAID iyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa looga hadlay arrimo la Wajiga labaad ee Mashruuca Dowladaha Hoose.
Ugu Dambayn, Kooxda Talo wadaag Mamuul ee USAID ayaa uga Mahadceliyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi qaabilaadda iyo wada shaqaynta hagaagsan.