Agaasimaha Cusub ee Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha Wasaaradda Oo Si Rasmi Ah Xilka Ula Wareegay

 

Muqdisho 07 Nov 2023; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa goobjoog ka ahaa Munaasabadda Xilwareejinta Agaasimaha Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS.

 

Mudane Abdifatah Nur Ahmed agaasimaha cusub ee Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa si rasmi ah xilka ula wareegay. Mudane Abdifitah ayaa ku guulaystay Tartan furan oo loogu soo xaysiisay Jagada Agaasimaha Waaxdan.

 

Ugu Dambayn, Wasiir Fiqi ayaa hoosta ka xarriiqay ahmiyadda Waaxda, wuxuu faray agaasimaha cusub in ay sida uga dhaqsiyaha uga howlgalo waaxda iyo horuarinta tayada shaqaalaha waaxda Wasaaradda