Wasiirka Arrimaha Gudaha DFS Oo Kulan La Qaatay Safiirka Sacuudiga

 

Muqdisho, 31 Oct 2023; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Soomaaliya mudane Axmed Al-Muwalladi.

 

Labada mas’uul ayaa isla soo qaaday arrimo ay Iskaashi labada dhinac ka yeeshaan sida; Dib u heshiisiinta, Xasllinta, Diiwaangeinta Madaniga iyo Hortabinnada kale ee Waaaaradda.

 

Wadamada Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa leh xiriir qoto dheer oo ku salaysan dheef wadaag, Sidoo kale Dowladda Sacuudiga ayaa ka mid ah dalalka carbeed ee garab istaagay Soomaaliya markii ay burburtay Dowladdii Dhexe ee Dalka.