Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Kulan La Qaatay Wakiilka Malaysia Ee UNEP IYO UN-Habitat

 

Muqdisho 27 Oct 2023; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Dowladda Malaysia ee UNEP iyo UN-Habitat Mudane Ruzaimi Bin Mohamed.

 

Kulanka ayaa la xiriiray sida loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Malaysia, gaar ahaan dhinacyada Amniga, Dib-u-xoraynta, Xasilinta iyo Arrimaha Federaalka maadama ay Malaysia ay ka mid tahay dalalka ku dhisan nidaamka Federaalka.

 

Mudane Ruzaimi Bin Mohamed ayaa ka mahadceliyay qaabilaadda Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi, sidoo kale wuxuu bogaadiyay dedaallada Wasaaradda ee ku aaddan dhinacyada Dib-u-heshiisiinta, Dib-u-xoraynta, Xasilinta iyo xoojinta Arrimaha Federaalka.