Muqdisho 27 Oct 2023; Kulan Todobaadlaha ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu meelmariyay Hindise Sharciyeedka Ilaalinta iyo Taakulaynta Baracayaasha oo ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS.
Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Soomaaliyeed ayaa wadda dedaallo lagu doonayo in ay wax kaga qabato arrimaha Qaxootiga iyo Barakacayaasha, iyadoo horay ugu soo shaqaysay Sharciga soo galootiga.
Sharciga Ilaalinta iyo Taakulaynta Barakacayaasha ayaa xuquq iyo difaac siin doona Barakacayaasha Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalooyinka kala duwan ee Soomaaliya, kuwaasi oo ay soo barakiciyeen colaadaha iyo dhibaato ka dhalatay arrimo la xiriira isbadalka cimillada.