ย
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane ๐๐๐ฒ๐๐๐ซ๐ฎ๐ฎ๐ฌ ๐๐๐๐๐ฅ๐ฅ๐ข๐ฆ ๐๐๐ฌ๐๐ง ayaa kelmadiisa soo dhoweynta ah ee Madasha Qaran ee Ururada Bulshada Rayidka ah iyo Heyโadaha Dowladda ee 2023 ku sheegay ahmiyadda shirka isaga oo yiri, โWaxaa Sharaf inoo ah in kulan wadatashi ah isugu nimid, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta iyada oo ka duuleysa waajibkeeda dastuuriga ah, waxaa ay goโaansatay kulan iskaashi oo dhexmara heyโadaha dowladda iyo ururada bulshada rayidka ah, kulamadan oo yeelan doodokala duwan ayaa rajeynayaa in wax fiican kasoo baxaanโ.
Guddoomiyaha Ururrada Bulshada Raydka Mudane Cismaan Muxudiin Shaatax oo ka hadlay furitaanka Shirwaynaha Qaran ee Xoojinta Iskaashiga Ururada Bulshada Raydka iyo Hayโadaha Dowladda ayaa uga mahadceliyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiq hoggaamintiisa iyo aragtidiisa ku aaddan xoojinta Wadashaqaynta Dowladda iyo Bulshada Ryadka, sidoo kale Mudane Shaatax ayaa tibaaxay ahmiyadda leedahay in la helo shuruuc ku aaddan Arrimaha Bulshada Raydka, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxaa uu yiri โSi kor loogu qaadoย Wadashaqaynta Ururrada Bulshada Raydka ah iyo Dowladda waa in la helo Sharci Qeexaya Xuquuqaha, Masuuliyadda iyo Kaalinta Bulshada Raydka Ah ( NGO Bill)โ.
Halkaan ka daawo Hadaljeedintiisa oo Dhamaystiran;ย https://fb.watch/nX36qhpGJy/
ย
๐๐ข๐ฅ๐๐ก๐ข๐๐๐๐ง ๐๐ซ. ๐๐๐ฑ๐๐ฆ๐๐ ๐๐๐๐ฃ๐ข oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka oo ka hadlayay Madasha Qaran ee Ururada Bulshada Rayidka ah iyo Heyโadaha Dowladda ee 2023 ayaa waxaa uu yiri, โBulshada rayidka waa geedfadhiga dowladda, waa dadka dowladnimada isla leh oo ilaashanaya, dowladda waa midda hagto, waxaa mararka qaar dhaco isdiidmo…Waxaan qabaa in kulamada noocan ah ay faaโido u leeyihiin oo ay soo dhoweyn doonaan wadashaqeyn labada dhinac ah, waa arrin bogaadin mudanโ .
ย
Halkaan ka daawo Hadaljeedintiisa oo dhamaystiran; https://fb.watch/nX3gM1E8fP/
Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaradaha mudane ๐๐๐ฑ๐๐ฆ๐๐ ๐๐๐ซ๐ซ๐ ๐๐จ๐ก๐๐ฆ๐ฎ๐ oo khudbad kooban kasoo jeediyay Madasha Qaran ee Ururada Bulshada Rayidka ah iyo Heyโadaha Dowladda ee 2023 ayaa bogaadiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha isaga oo yiri โWaxaan ku bogaadinaa Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta muidane Axmed Macallim Fiqi iyo Wasaaradda in ay horkeento lafdhabartii bulshada rayidka ah iyo dowladda,, oo laga tashto sidii loo wadashaqeyn lahaa, oo qorsheyaal loo yeelan lahaaโ. ๐๐๐ฌ๐ข๐ข๐ซ ๐๐๐ฑ๐๐ฆ๐๐ ๐๐๐ซ๐ซ๐ ๐๐จ๐ก๐๐ฆ๐ฎ๐ oo sii hadlaya ayaa rajeeyay natiijo fiican in uu kasoo baxo shirkan, โWaxaan rajeynayaa in kulankan uu kasoo baxo is faham iyo madal lagu wada shaqeyn karo, oo dowladda iyo bulshada rayidka isugu soo dhowaan karaan, dowlad ma jiri karto bulsho laโaan, bulshada rayidkana shaqo ma qaban karaan dowlad laโaan, waa labo isku baahan, waxaa adkeynaa in kulanka uu natiijo fiican kasoo baxoโ.
Halkaan ka Daawo Hadaljeedinta Wasiirka Dhalinyarada & Cayaaraha oo dhamaystiran;ย https://fb.watch/nX3pvrXxGn/
๐๐ก๐ฎ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐๐ก๐ ๐๐ฎ๐๐๐ก๐ ๐ฆ๐ฎ๐๐๐ง๐ ๐๐ฑ๐ฆ๐๐ย Macallim ๐ ๐ข๐ช๐ข ๐๐ ๐๐ฎ๐ซ๐ข๐ญ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฌ๐ก๐ ๐๐๐ซ๐๐ง ๐๐ ๐๐ซ๐ฎ๐ซ๐๐๐ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐๐๐ ๐๐๐ฒ๐ข๐๐ค๐ ๐๐ก ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐ฒโ๐๐๐๐ก๐ ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐.
โWaxaa sharaf iyo guul ii ah inaan kulankan shirweynaha Qaran idinkala soo qeyb galo si aan uga doodno iskaashiga iyo wada shaqeynta muhiimka ah ee u dhaxeeya Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Qaranka (CSOs) iyo Dowladda Soomaaliya ee ku aaddan qorshayaasha dowlada oo laxiriira hirgelinta dowlad dhisidda, nabadda iyo dib-u-heshiisiinta, xasilinta, dowladaha hoose, iyo geeddi-socodka dimuqraadiyeynta. Wadashaqeyntan ayaa door muhiim ah ka ciyaarta qaabeynta mustaqbalka Soomaaliya iyo kobcinta horumar waara”.
- Dowladda Soomaaliya waxay aqoonsan tahay isla markaana bogaadineysaa wax-qabadka qiimaha leh ee Ururada Bulshada Rayidka ah ee horumarinta wadajirka bulshada, u doodista xuquuqul insaanka, iyo hubinta in bulshooyinka la haybsooco ay ka mid noqdaan hababka go’aan qaadashada. Ururada Bulshada Rayidka ah ayaa kaalin weyn ka qaata isku xirka dowladda iyo shacabka, kor u qaadida codkooda iyo wax ka qabashada baahiyahooda.
- ๐๐๐ฐ๐ฅ๐๐-๐๐ก๐ข๐ฌ๐ข๐๐๐ waa hannaan adag oo dhinacyo badan leh oo u baahan ka-qaybgal firfircoon oo dhammaan dhinacyada ay khusayso. Ururada Bulshada Rayidka ah, iyaga oo guntiga dhiisha iskaga dhigaya, isla markaana si qoto dheer u fahmaya dhaqdhaqaaqyada maxaliga ah, ayaa gacan ka geysan kara taageeridda dedaallada dawladda ee lagu dhisayo haykal dawladeed oo tayo leh sida Golayaasha Dowladaha Hoose iyo Kobcinta tayada xirfadaha iyo aqoonta golaysaasha. Waxaa xusid mudan dadaaladda dowlad dhisku in daruufo iyo caqabado fara badan laga soo marey kuwa haatan taaganna ay jiiraan kuwa ugaara sidaa aawgeed, xoojinta hayโadaha iyo horumarinta sharciga. Khibraddooda iyo waayo-aragnimadooda gudaha waa hanti qiimo leh oo ku aaddan dadaalkan.
- ๐๐๐๐๐๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ข๐-๐ฎ-๐ก๐๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ๐ข๐ข๐ง๐ญ๐ ayaa ah tiirarka aasaasiga u ah xasiloonida iyo horumarka Soomaaliya. Ururada Bulshada Rayidka ahi waxa ay door muhiim ah ka ciyaareen fududaynta wada hadalka, kobcinta isfahanka, , cadaaldda kumeel gaarka iyo horumarinta nabad ku wada noolaanshaha bulshooyinka kala duwan. Dadaalka hagar laโaanta ah ee ay u galeen xallinta khilaafaadka iyo nabadeynta ayaa gacan ka geystay in si tartiib tartiib ah ay nabad iyo xasillooni ugu soo noqoto gobollada kala duwan ee dalka. Sidaa aawgeed iskaashiga iyo wadasheynta ku aadan Hirgalinta Hannaanka Dhab-u-heshiinta Qaran ee dhawaan wasaaraddu bandhig iyo daah fur ku sameyn doonto ayaa ah ahmiyadaha ugu waaweyn ee iskaashiga iyo xaqiijinta wadasheynta inooga baahan si loo gaaro yoolka Qorshaha oo ah ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข ๐๐๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐๐ก ๐๐ฎ๐ง๐ข๐๐ ๐๐๐ก๐๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐๐ก .
- ๐๐๐๐๐๐ฅ๐๐๐๐ ๐ฑ๐๐ฌ๐ข๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐ ayaa muhiim u ah abuurista jawi awood u leh horumarka iyo horumarka. Ururada Bulshada Rayidka ahi waxay safka hore kaga jireen bixinta adeegyada muhiimka ah, sida daryeelka caafimaadka, waxbarashada, iyo taageerada hab-nololeedka, meelaha ay saameeyeen iskahorimaadyada iyo xasillooni-darrada. Sida ay uga goโan tahay in ay horumariyaan nolosha dadka aadka u nugul waa mid ammaan mudan oo la jaanqaadaysa aragtida dowladda ee ah in Soomaaliya ay noqoto mid barwaaqo ah oo loo wada dhan yahay.
- Sidoo kale waa muhiim in aan qiranno guulaha iyo Natiijooyinka ciidan ee ay dowladdu ka gaartay goobaha cusub ee la xoreeyay khawaarijta. Ciidammadeenna amniga oo kaashanaya ciidamada deegaanka iyo bulshooyinka ku nool deeganada dib u xureynta ka socoto, waxay horumar la taaban karo ka sameeyeen dib u soo celinta dhulkii laga qabsaday kooxaha xagjirka ah. Guulahaas ciidanku waa guulo muhiim ah oo soo maray jidkeena nabad iyo xasilooni waarta. Laakiin waxaan fahamsanahay in guusha dhabta ahi ay, ku jirto horumarka joogtada ah iyo horumarka baaxadda leh ee deegaannadan cusub ee la xoreeyay laga sameynayo, iyadoo la hubinayo in nabadda iyo adeegyada dowlada ay gaarto muwaadin kasta oo ku nool deeganadas.
- ๐๐๐ฐ๐ฅ๐๐๐๐ก๐ ๐ก๐จ๐จ๐ฌ๐ waxay door muhiim ah ka ciyaartaa xaqiijinta adeeg bixin wax ku ool ah iyo go’aan qaadasho ka qayb qaadasho oo heer hoose ah. Ururada Bulshada Rayidka ahi waxa ay door ka qaateen xoojinta qaab-dhismeedka maamulka deegaanka, awood-siinta bulshooyinka, iyo horumarinta ka-qaybgalka muwaadiniinta. Wadashaqeynta ay la leeyihiin dowladda ee dadaallada maamul daadejinta ayaa kaalin weyn ka qaatay kobcinta la xisaabtanka iyo maamulka maxalliga ah.
- Ahmiyada Arintan, wasaaraddu waxay ay dhawaan bilowdey dib-u-eegista Hannaanka Dhisma Dowladaha Hoose ee โWadajir Frameworkโ, si caqabdaha iyo casharadii laga bartey loo saxo oo loo hormariyo, dib u eegista kadib hannaanku waxa uu sahli doonaa nidaam iskaashi oo ay kuwada shaqeyn karaa Dolwada iyo Ururuada bulsahda rayidka , si loo gaaro yoolka dhismaha dowlada hoose oo adag.
- ๐๐๐ง๐ง๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐ข๐ฆ๐จ๐ช๐ซ๐๐๐๐ข๐ฒ๐๐ฒ๐ง๐ญ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐จ๐จ๐ซ๐๐ฌ๐ก๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐ ayaa lama huraan u ah xaqiijinta matalaadda iyo ka-qaybgalka dhammaan muwaadiniinta si loo qaabeeyo mustaqbalka Soomaaliya. Ururada Bulshada Rayidka ahi waxa ay ahaayeen hormoodka qiyamka dimuqraadiga ah, u ololaynta doorashooyin xor iyo xalaal ah, horumarinta waxbarashada madaniga ah, iyo kor u qaadida ka mid noqoshada siyaasadda.
- Federaleynta
- Hannaanka Doorashooyinka ee Qof iyo Cod
- Dhameystirka Dastuurka JFS
- Awoodaha Heyโadah dowlada
- Maamul bahiinta
- IWM,
Qorshayaashan ku aaddan horumarinta dowladnimo hufan oo isla xisaabtan leh ayaa muhiim u ah dhisidda aasaas dimoqraadiyadeed oo xooggan oo Soomaaliya ka hirgalas.ยHalkaan ka Daawo: Khudbadda Wasiirka oo Dhamaystiran;ย https://fb.watch/nX30fnTXuu/
- Sidee ayay Hayโadaha Dawladda iyo Urrurada Bulshada Rayidka ahi si cad ugu qeexi karaan Kaalimahooda iyo Waajibaadkooda si loo hubiyo Wada shaqeyn Hufan, wax looga qabto Caqabadaha Maalin laha ah, Loona Dhiirigaliyo Nabadda iyo Horumarka?
- Farsamooyin noocee ah ayaa la adeegsan karaa si loo kobciyo Xariirka, Wadaagista Warbixinnada iyo Daahfurnaanta ka dhaxeeysa Hayโadaha Dawladda iyo Urrurada Bulshada Rayidka ah, si loo xaqiijiyo in goโaamada laga wadda warhayo la iskulana xisaabtamo?
- Sidee ayay dhinacyadu u wada shaqeyn karaan si ay iskula meel dhigaan qodobada iskaashiga muhiimka u ah, iyadoo maanka lagu hayo Caqbadaha iyo Fursadaha jira?
- Xeelado noocee ah ayaa la adeegsan karaa si loo korjoogteeyo Natiijada dadaalada wada jirka ah?
Soomaaliya: Samaynta iskaashi xooggan oo u dhexeeya dowladda iyo bulshada rayidka ah.
- Duniya Maxamed Cali (Carshan)
- Mukhtaar Xirsi Maxamed
- Prof. Cabdiraxmaan M. Cabdullaahi Baadiyow
- Adam Sheekh Xasan
- Prof. Maxamed Xusseen Ciise (Liban)
- Iyo Xiriiriye; Prof. Cabdi Axmed Baafo | Agaasimaha Xarunta Hogaanka Dhaxalreeb.
Waxaana maalinta koowaad ee shirka Madasha Qaran ee iskaashiga ururada bulshada rayidka ah iyo hey’adaha dowladda kusoo gabagaboobey meeshaas. Waxaad halkaan ka daawo muuqaalka Guud ee maalinta koowaad.ย https://fb.watch/nX4wIyJTkb/
ย
Maalinka 2-aad ee shirka Madasha Qaran ee Ururada Bulshada Rayidka ah iyo Heyโadaha Dowladda ee 2023.ย
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane ๐๐๐ฒ๐๐ฎ๐ซ๐ฎ๐ฎ๐ฌ ๐๐๐๐๐ฅ๐ฅ๐ข๐ง ๐๐๐ฌ๐๐ง kusoo dhaweeyay ka qaybgalayaasha Shirwaynaha oo ay qayb ka ahaayeen Madax iyo khubaro ka kala socda Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Dowlad Goboleedyada Dalka iyo Gobolka Banaadir si loo xoojiyo xiriirka iskaashiga ee ka dhaxeeya Ururrada Bulshada Rayidka ah iyo Hayโadaha Dowladda.
ย
Guddoomiyaha Ururrada Bulshada Raydka ah Mudane ๐๐ฎ๐ฌ๐ฆ๐๐๐ง ๐๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐๐ข๐ข๐ง ๐๐ก๐๐๐ญ๐๐ฑ ayaa ka jeediyay maalinka 2-aad ee Madasha Qaran ee Iskaashiga Ururrada Bulshada Raydka ah iyo Hayโadaha Dowladda aragtida Bulshada Raydka ah ee Arrimaha Dhab-u-heshiinta Qaran.
ย
Marwo ๐๐ฎ๐ง๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐ฑ๐๐ฆ๐๐ ๐๐๐ฅ๐ข ( ๐๐๐ซ๐ฌ๐ก๐๐๐ง) oo ka mid ah Ururrada Bulshada Rayidka ah ayaa Madasha Qaran ee Iskaashiga Bulshada Raydka ah iyo Hayโadaha Dowladda ka jeedisay ahmiyadda ay leedahay arrimaha Dhab-u-heshiinta Qaran.
ย
Sidoo kale lataliyaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ee dhanka Dib-u-heshiisiinta Mudane ๐๐๐ฑ๐๐ฆ๐๐ ๐๐ฐ๐๐ฒ๐ฌ ayaa kaa qaybgalayaasha Madasha Qaran ee Iskaashiga Ururrada Bulshada Raydka ah iyo Hayโadaha Dowladda u jeedinaya Warbixin la xiriirta Hannaanka Dhab-u-heshiinta Qaran.
ย
Waxaa bilowday Shaqo Kooxeedka iyo aragti wadaagga ku saabsan arrimaha Hannaanka Dhab-u-heshiinta Qaran oo ka mid waxyaabaha lagu lafa guraayo Madasha Qaran ee Iskaashiga Ururrada Bulshada Rayidka ah iyo Hayโadaha Dowladda oo ay yeelanayaan Madaxda iyo Khubarrada ka qaybgalaya Shirwaynaha.
ย
ย
ย
Agaasimaha Waaxda Federaalka iyo Xiriirka Dowlad Goboleedyada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane C/naasir Xaaji Maxamed ayaa ka qaybgalayaasha Madasha Qaran ee Iskaashiga Ururrada Bulshada Raydka ah iyo Hayโadaha Dowladda u jeedinaya Iskaashiga Dowladda iyo Bulshada Raydka ee fulinta Heshiisyada Golaha Wadatashiga Qaran.
- Marwo Caasho C/laahi Siyaad- Guddoomiyaha SWIN
- Mudane Fowzi Maxamed Barrow
- Garyqaan Carrafaat Cali Maxamed- Ururka Qareennada
- C/laahi Shaafici Cali- Ururrada Bulshada Raydka Jubbaland.
ย
ย
ย
Agaasimaha Xiriirka Dadwaynaha ee Hayโadda NIRA Mudane C/laahi Koofil ayaa Maalinta labaad ee Madasha Qaran ee Ururada Bulshada Rayidka ah iyo Heyโadaha Dowladda ee 2023 u soo bandhigay ka qaybgalayaasha warbixinno ka hadlaayo arrimaha Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta.
ย
ย
ย
Prof Xuseen Iimaan oo ka mid ah khubarrada ka socota Ururrada Bulshada Raydka ah ayaa ka qaybgalayaasha Madasha Qaran ee Iskaashiga Ururrada Bulshada Raydka ah iyo Hayโadaha Dowladda u jeediyay Iswaafajinta Dhaqanka Iyo Shareecada Islaamka.
ย
ย
ย
Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Abdihakim Ashkir ayaa si rasmi ah usoo xiray Madasha Qaran ee Iskaashiga Ururrada Bulshada Raydka ah iyo Hayโadaha Dowladda oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS.
ย
Halkaan ka daawo: Khudbadda xirritaanka shirka Ee Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Abdihakim Ashkir ee Madasha Qaran ee Ururada Bulshada Rayidka ah iyo Heyโadaha Dowladda ee 2023.https://fb.watch/nX6NkborCc/
ย
AKHRISO: Warmurtiyeedka Madasha Qaran ee Iskaashiga ururada bulshada rayidka iyo heyโadaha dowladda 2023.
ย
Sawiradda guud ee Shirka Madasha Qaran ee Ururada Bulshada Rayidka ah iyo Heyโadaha Dowladda ee 2023;-ย
ย