Wasaaradda Arrimaha Gudaha Oo Qabatay Kulan Heerkiisu Sarreeyo Oo Looga Arrinsaday Arrimaha Xasilinta

 

Muqdisho, 15 Oct 2023, Ra’isul Wasaare Ku xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Saalaax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyay kulan ay qabatay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS oo looga hadlay Arrimaha Xasilinta deegaannada laga xoreeyay kooxda khawaarijta.

 

Ahmiyadda ugu way nee kulanka ayaa ahaa sidii deegaannadaas laga xoreeyay khawaarijta looga hirgalin lahaa adeegyada Dowladda oo ay ugu horreeyaan, sarreynta sharciga, amniga, maamulka dowliga ah iyo guud ahaan kaalinta beesha caalamka.

 

Kulankaan ayaa waxaa  kasoo qeybgalay qaar ka mid Hay’adaha heer federaaal oo ay shaqadoodu la xiriirto arrimaha Xasilinta iyo saaxibada caalamiga ah ee Soomaaliya ka taageera Barnaamijka Xasilinta.

 

Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Caydaruus Macallin oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta oo kaashanaysa dowlad goboleedyada ay ka go’antahay fulinta qorshaha Xasiilinta Qaran iyada oo xoogga la saarayo goobaha dhowaan la xoreeyay ee Galmudug iyo Hirshabelle iyo in ay la taageero goobaha nugul si loogu xiro howlaha horumarin ee jira.

 

Ugu Dambayn, Raysal Wasaaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa bogaadiyay dedaallada iyo isku xirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dhanka Xasilinta, sidoo kale Mudane Saalax ayaa bogaadin u jeediyay Saaxibada caalamiga ee Soomaaliya ka taagara Arrimaha Xasilinta.