Golaha Wasiirrada iyo Jihaynta Dowladnimada Casriga Ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta daahfuray Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah ee  Soomaaliya.

 

Shirka oo 2 maalin ah, muhiimna u ah dowlad dhiska Soomaaliya ayaa  la xiriira aqoon iyo khibrad isweydaarsi Istaraatiijiyadeed ee golaha wasiirrada.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi, Wasiir kuxigeenka Iyo Wasiiru dowlaha Wasaaradda Mudane Cabdixakiim Ashkir iyo Mudane Saadaad Maxamednuur Caliyow ayaa qeyb  ka ahaa xubnaha wasiirrada xukuumadda federaalka ah ee qeyb weyn ku lahaa shirka, waxaa kale oo fadhiga joogay khubaro caalami ah iyo Madax aqoon durugsan u leh horumarinta iyo casriyeynta dowladaha.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad kooban kajeediyay goobta oo dul istaagay qoddobadda mudnaanta leh Xukuumadda JFS ayaa hay’adaha dowladda ku adkeeyey in ay xoogga saaraan ciribtirka khawaarijta, dhameystirka dastuurka, deyn cafinta iyo sidii dalkeenna looga qaadi lahaa cuna qabateynta hubka, isagoo sheegay in  kobcinta aragtiyaha toolmoon ee dowlad dhiska iyo tayeynta fahamka lagu hoggaaminayo dowladnimada casriga ah ay jaangoyn doonto sidaan uga heshiinno arrimaheenna siyaasadeed, si jiilasha soo socdo loogu horseedo dhabbo cusub oo waxtar u leh mustaqbalkooda.