Muqdisho, 12 Oct 2023, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa kulan la qaatay Danjiraha Dowladda Denmark u fadhiya Soomaaliya Danjire Steen Sonne Anderson.
Kulanka ayaa looga hadlay dedaallada arrimaha Xasilinta oo ay waddo Dowladda Federaalka Soomaaliya, Arrimaha Doorashooyinka dalka iyo guud ahaan arrimaha la xiriira Dowlad dhiska Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa bogaadiyay dedaallada Dowladda Denmarka ee taageeridda Dowladnimada Soomaaliya. Dowladaha Soomaaliya iyo Denmark ayaa leh xiriir qoto dheer oo ku salaysan dheef wadaag iyo wax wada qabsi, si loo xaqiijiyo danaha labada dal ka dhaxeeya