Wasiir Ashkir OO Geneva Kulan Gaar Ah Kula Qaatay Ku Xigeenka Madaxa Hay’adda UNHCR

 

Geneva Switzerland, 11 Oct 2023, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Abdihakim Ashkir ayaa xarunta hey’adda UNHCR ee Geneva, Switzerland kula kulmay Ku Xigeenka Madaxa hay’adda UNHCR Mudane Raouf Mazou.

 

Labada dhinac ayaa kawada hadlay qodoba badan oo muhiima oo ay ka mid yihiin xoojinta wada shaqaynta UNHCR iyo hay’adaha dawladda ee wada shaqaynta tooska ah ay kala dhaxayso oo ay ka mid tahay hay’adda qaxootiga qaranka NCRI, iyo sidii Xal waara loogu heli lahaa qaxootiga iyo barakacayaasha isla markaana meesha looga saari lahaa ku tiirsnaanta gargaarka.

 

Wasiir Ashkir ayaa madaxda hay’adda la wadaagay in dowladda Soomaliya aaminsantahay in amniga dalka iyo isbadalka cimaladu yihiin waxyaabaha ugu badan ee sababa barakaca, sidaa daraadeed ay Xukuumadda Soomaaliya ahmiyadda kowaad siinayso sugidda aminiga iyo cirib tirka kooxaha khawaarijta ah oo iyagu carqalad joogta ah ku ah amiga dalka.

 

Xukuumadda Soomaaliya ayaa mudnaan siinaysa arrimaha qaxootiga iyo barakacayaasha dalka waxaana baarlamaanka Soomaliya uu ansixiyey dhowaan Hindise sharciyeedka Qaxootiga oo haatan la yaalla Aqalka sare si uu ansixiyo, sidoo kale waxaa gabogabo ku dhaw sharciga barakacayaasha dalka oo dhawaan la horgayn doono golaha wasiirrada.

 

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda mudane Ashkir waxaa ku weheliyey Guddoomiya hay’adda qaxootiga qaranka Marwo Safiya Xasan.

 

Wasiirka iyo waftigiisa. ayaa ka qeybgalaya Kalfadhiga 74-aad ee guddiga fulinta ee Hey’adda Qaxootiga Adduunka.