Muqdisho, 11 Oct 2023, Ra’isul Wasaare Ku xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Saalaax Axmed Jaamac oo ay wehliyaan Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi iyo wasiirro kale oo xukuumadda ah ayaa maanta daahfuray udiyaar garowga hirgelinta qorshe howleedka Wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Midowga Yurub.
Qorshe howleedyada miiska saaran ee laga arrinsanayo waxaa ka mid ah; Siyaasadda loo dhan yahay iyo diqmoraadiyadeynta oo Doorashooyonka, Dib u heshiisiinta, Xasillinta, cadaaladda, dasruurka iyo arrimo kale ay ku jiraan, qeybta amniga oo awood dhiska ciidanka iyo arrimo kale ay ku jiraan iyo qorshe howleedka kale ee la xiriira kobaca dhaqaalaha iyo bulsho.
Midowga Yurub ayaa Soomaaliya muddo badan ka taageerayay dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, arrimaha dowlad dhiska iyo dhanka Amniga.