Wasiirka Arrimaha Gudaha DFS Oo Kulan La Qaatay Hoggaamiyaha SSC

 

 

 

 

 

 

 

Muqdisho 09 Oct 2023, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta kulan gaar ah kula qaatay Muqdisho hoggaamiyaha SSC Mudane Cabdiqaadir Axmed Firdhiye oo howlo shaqo ujooga caasimadda.

 

 

 

 

 

 

 

 

Ugu horreyn, hoggaamiyaha SSC mudane Cabdiqaadir Firdhiye oo kulanka ka hadlay ayaa ka mahadceliyay Soo dhoweynta qiimaha badan ee  Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Mudane Axmed Fiqi iyo guud ahaan caasuumaadda iyo maamuuska ay Xukuumadda Federaalka ah u fidisay SSC.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Mudane Firdhiye oo sii hadlaya ayaa warbixin ka siiyay mudane Axmed Fiqi wasiirka arrimaha gudaha xaaladda deegaannada SSC iyo raadkii dagaaladdii dhacay isaga oo soo bandhigay in arrimaha hortabinta u leh SSC ay ka mid yihiin; Dib u heshiisiinta, maamul daadejinta, adeeg bixinta, in ay xoojiyaan ku xirnaanshiyaha Xukuumadda Federaalka ah iyo mabda’ guud ee ah ilaalinta bedqabka iyo midnimada dhul iyo umad ahaaneed ee Soomaaliya.

 

 

 

 

 

 

 

‘’ Dagaalku inta uu socday waxaa uu sababay barakaca 300,000 oo qof iyo burburka xaruma bulshada loogu adeego sida; Hosbitaallo,  goobaha waxbarasha iyo masaajida’’ ayuu hadalkiisa kusoo gaboganeeyay hoggaamiyaha SSC mudane Cabdiqaadir Axmed Firdhiye.