Muqdisho 09 Oct 2023, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilsy Safiirka dowladda Finland u fadhiya Soomaaliya Ambassador Pirkka Tapiola.
Kulanka ayaa xoogga lagu saaray arrimaha Xasillinta, dowladaha hoose, dib u heshiisiinta iyo dadaallada dowlad dhiska.
Dowladda Finland ayaa ka mid ah Dowladaha Soomaaliya ka taageera arrimaha Xasilinta, Dib-u-heshiisiinta iyo guud ahaan dedaallada Dowlad Dhiska Soomaaliya.