Wasiirka Arrimaha Gudaha DFS Oo Ka Qaybgalay Munaasabadda Abaalmarinta Tartan Aqooneedka Warbaahinta Qaranka

 

 

 

 

 

 

 

Muqdisho, 09 Oct 2023, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa caawa kaqeybgalay munaasabadda Abaalmarinta Guuleestayaasha Tartan Cilmiyeedka Bisha Ramadaan 2023/2024 ee ay  qabatay warbaahinta qaranka.

 

 

 

 

 

 

 

“Munaasabaddan qiimo gaar ah ayay leedahay, oo waxaa lagu aabaalmarinayaa cilmigii iyo aqoontii, anigu goobjoog baan ahaa maalinkii la furayay iyo maalinkii la xiryay, tartanka saddex meelood hal meel degmooyinka dalka ayaa kasoo qeybgalay, inta kasoo qeybgashay wey wada guulaysteen, waxaan si gaar ah ugu hambalyaynayaa degmada guulaysatay ee Dhuusamareeb” ayuu yiri mudane Fiqi.

 

 

 

 

 

 

 

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Axmed Macallim Fiqi waxaa uu kaqeybgalayaasha iyo umadda Soomaaliyeed la wadaagay in waxbarasho aaney suuragal ahayn inta ay joogaan cadowga Khawaarijta, isaga oo ku dhiirigeliyay shacabka Soomaaliyeed in ay kaalin mug leh ka qaataan dib u xorreynta dalka si dhammaan caruurta Soomaaliyeed ay u helaan aqoon iyo waxbarsho.