Baydhabo Oo Lagu Qabtay Kulan La Xiriira Cashirrada Laga Bartay Soo Kabashada Deg Dega ah.

Baydhabo 09 Oct 2023, Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Saadaad Maxamednuur Caliyow oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Caydaruus Macallim Xasan ayaa uga qeybgalay caasimadda KMG ah ee Koonfur Galbeed ee magaalada Baydhabo shir looga hadlayay Casharada laga bartay soo kabashada degdegga ah iyo xasillinta.

Shirkan oo sidoo kale lagu falanqeeyay xorreynta iyo baacsiga Khawaarijta ee ka socota Galmudug iyo Hirshabelle iyo diyaargarowga xorreynta Koonfur Galbeed iyo Jubbalnd ayaa waxaa goobjoog ka ahaa; wasiirro, xildhibaanno iyo agaasimeyaal ka kala socday heerarka kala duwan ee dowladda.

Ugu Dambayn, Wasiir Saadaad Caliyow ayaa uga mahadceliyay howladeennada Barnaamijka Xasilinta ee heer federaal iyo Heer Dowlad Goboleed dedaalka ay galiyeen arrimaha soo kabashada deg deg ah.