Muqdisho 07 Oct 2023, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi oo uu wehliyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Mudane Cabdixakiiim Ashkir ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka billaha ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya kaasi oo lagu falanqeeyay arrimo muhiim ah shaqada.
Shirkan oo sidoo kale ayaa goobjoog ka ahaayeen Agaasimaha guud ee Wasaaradda mudane Caydaruus Macallim Xasan, agaasime waaxeedyada, madax qeybeedyada iyo lataliyeyaasha Wasaaradda ayaa waxaa miiska saarnaa ajendeyaal ay ka mid yihiin; (1), Qorshaha Wasaaradda ee October ilaa December (2). Shirka madasha bulshada rayidka ah (3). Shaqo qeexidda agaasinnada, waaxyaha iyo madax qeybeydyada. (4). Systeem-ka Wasaaradda iyo soo bandhigidda system si online ah loogu duwan gelin doono NGO-yada.
Inta uu shirkani socday waxaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira qodobadaasi iyada oo laga galay doodo ay kaqeybgaleen dhammaan shaqaalaha, lana dhageystay wixii soojeedin ah si ay qeyb uga noqdaan dhameystirka hannaanka cusub.
Wasiir kuxigeenka Waaaaradda Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Cabdixakiim Ashkir oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in isbadal ku socda Wasaaradda uu muhiim u yahay dowladnimada, loons baahanyahay in lala jaanqaado.
Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi oo soo xiray madasha ayaa bogaadiyay shaqada socota, waxaa uuna hoosta ka xariiqay in Wasaaradda ay ku shaqeyneyso qaab E-government ah, kaas oo hadda 5 bil shaqeynayay, waxaa uu kula dardaarmay shaqaalaha, NGO doonaya diiwangwlin iyo cid walba oo Wasaaradda kashaaeysa ama ay kala dhaxeyso shaqo in ay la qabsato habka cusub ee E-MOIFAR ee loo guuray.