Shirka Wadatashiga U Diyaar Garowga Madasha Caalamiga Ee Arrima Qaxootiga Oo Lasoo Gabagabeeyay

 

 

 

 

Muqdisho 25 Sep 2023, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cayduruus Macallin ayaa soo xiray Shirka Wadatashiga u diyaar garowga Madasha caalamiga ah ee arrimaha Qaxootiga 2023.

 

 

 

 

Shirkaan oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Soomaaliyeed ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiin ka kala socday Dowlad Goboleedyada dalka, Gobolka Banaadir iyo Urur Goboleedka IGAD.

 

 

 

 

 

Inta uu shirkan socda waxaa ay kaqeybgalayaashu dib u eegis ku sameyn doonaan qaab fulinta balanqaadyadii 2019-kii iyaga oo sidoo kale laga hadli doono dhameystirka ballanqaadyada cusub ee December 2023.

 

 

 

 

 

 

Ugu Dambayn, Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan Maxamed ayaa uga mahadcelisay ka qaybaglayaasha Shirka afkaarta ay ku biiriyeen, si loogu qareemo Qaxootiga ku nool Soomaaliya.