Furimaha Dagaalka Ee Gobolka Mudug iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha

 

 

 

 

 

Mudug 25 Sept 2023, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa si uu ugu kuurgalo xaaladda waxaa uu booqday furinta dagaalka ee Shabeelow, oo ka mid ah deegaannada lagu baacsanayo haraadiga Khawaarijta Shabaab.

 

 

 

 

 

Ciidamada kala duwan ee ku sugan aagga dagaalka ayaa uga warbixyay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya dagaaladdii ugu dambeeyay iyo heerka khasaaraha cadowga iyaga oo u xaqiijiyay in haraadiga Khawaarijta Shabaab ay ku jiraan rafasho, gabbaadna aaney heysan, kuna soo gabagabeyn doonaan waqti kooban.

 

 

 

 

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi waxaa uu geesiyaasha ciidanka ku ammaanay guulaha ay ka gaareen dagaaladdii ugu dambeeyay isaga oo ku adkeeyay sida dowladda Soomaaliya uga go’antahay soo afjarista Khawaarijta si horumar iyo barwaaqo u helaan shacabka deegaanka iyo guud ahaan umadd Soomaaliyeed.