Muqdisho 20 Sept 2023, Ku-simaha Ra’iisul Wasaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa daah-furay mashruuca ka jawaabista xaaladaha degdegga iyo kasoo kabashada xasaradaha Soomaaliya.
Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Mudane Saadaad Maxamednuur Caliyow iyo Guddoomiyaha hey’adda SODMA Mudane Maxamuud Macallin.
Munaasabadda oo sidoo kale ay goobjoog ka ahaayeen saxiibada Soomaaliya ayaa mashruucan lagu daahfuray waxaa uu wax weyn ka tari doonaa ka jawaab celinta xasaradaha deg-degga ah iyo soo bandhigidda baahiyaha maal-gelineed ee Xarunta Qaran ee howl-gallada gurmadka deg-degga ah, taas oo qayb ka ah Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee (SODMA).