Xarardheere iyo Aqoonsiga Dadwaynahaha

 

 

 

 

Muqdisho 18 Sept 2023, Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwanagalinta Dadweynaha (NIRA) ayaa degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ugu sameeyey Diiwanagalinta kaarka aqoonsiga qaranka Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi Tallaabadan ayaa imaanaysa uun Kadib laba maalmood daahfurka aqoonsiga qaran.

 

 

 

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya oo arrinkan ka hadlaya ayaa bogaadiyay howlwadeennada NIRA isaga oo yiri “ Hay’adda NIRA waxay heysataa hawlwadeenno lagu aamini karo shaqadan muhiimka iyo qalab casri ah oo hawsha fududeynaya”

 

 

 

 

 

“ Waxaan bogaadinayaa mar kale madaxda hey’adda iyo Bahda NIRA, waxaana u rajaynayaa in ay guulaystaan” ayuu hadakiisa kusoo gabogabeeyqy.

 

 

 

 

Waxaa xusid mudan in Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee JFS ay lahayd kaalinta Dib u yagleelidda Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta ee NIRA, Dib u eegista sharciga Aqoonsiga Qaran, Dib u dhiska qalfoofta hey’adda, dib u habeyn lagu samaeeyay habka maamul iyo arrimo kale kuwaas oo dhammaan maanta noqdo mirodhal.