Muqdisho 17 Sept 2023; Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Shiekh Adan Mohamed Nur” Madobe ayaa soo xiray Meertada 1-aad ee Shirwaynaha Aqoonsiga Qaran oo muddo labo cisho ah ka socday Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Maareeyaha guud ee Hey’adda Aqoonsiga iyo Diinwaagelinta Qaranka mudane 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐰𝐞𝐥𝐢 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐮𝐥𝐥𝐚𝐡𝐢 𝐓𝐢𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐞 ayaa ka hadlay 𝐃𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐬𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐀𝐪𝐨𝐨𝐧𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 isaga oo bandhiggiisa ku sharaxay heerarka ay soo martay hey’adda NIRA tan iyo 2018-kii sida sameynta sharciga, qaadashada shaqaalaha iyo aasaaska xarunta, hadafka qaadashada aqoonsiga, dadka qaadanaya muwaadiniinta iyo kuwa deggan jamhuuriyadda, istaraatiijiyadaha hey’adda iyo tirada dadka la diiwaangelinayo sanadkan ilaa 2026-ka oo noqon doontaa 15 milyan.
Bandhigga Maareeye Cabdiweli Timacadde waxaa kale oo ka mid ahaa; isticmaalka kaarka aqoonsiga qaran oo wax badan ka tari doona waxbarashada, caafimaadka, Bangiyada, tekonoolojiyadda, maaliyadda, duuliska, xuduudaha, baarista dambiyada, gawaari wadis iyo arrimo kale oo muwaadinka u baahdo.
Shirwaynaha Aqoonsiga Qaran oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta Dadwaynah ayaa waxaa kasoo qaybgalay madax ka socotay Dowlad Goboleedyada Dalka, Wasaaradaha iyo Hay’adaha heer federaal oo ay shaqadoodu la xiriirto arrimaha diiwaanwalinta, Aqoonyahannada, bulshada iyo saaxibada caalamiga ee Soomaaliya taageera.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi oo bilowga shirka hab fogaan arag ah khudbad uga jeediyay ayaa yaa hoosta ka xarriiqay ahmiyadda Aqoonsiga Dadwaynha, isagoo arrintaasi ka hadlayana wuxuu yiri “ Aqoonsiga Qaranku waa hannaan wax badan ka taraya dagaalka ka dhanka ah Argigixisada, gaar ahaan Kooxda Shabaab. Waxaa uu wataa dareen lahaanshiyo dal iyo in la garto muwaadiniinta, waxaa kale oo uu xoojinayaa xiriirka dowladda iyo shacabkeeda, taasi waxaa ay wax badan ka tari doontaa dadaallada aan wax uga qabanayno goobaha ay colaadaha ka jiraan”
Sidoo kale Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamze Cabdi Barre oo isaguna furay shirkaan ayaa sharraxay ahmoyadda Aqoonsiga Dadwaynaha, wuxuuna yiri “ Maanta waa maalinta Aqoonsiga Dadweynaha ee caalamka, sidoo kale waa maalin uu qofka Soomaaliga ah ka jawaabayo qofmaa tahay, qofka Soomaaliga haddii uu sheegan jiray reerkiisa iyo beeshiisa, maanta waxaa la taagan yahay inuu dhaho “ Anigu waxaan ahay Soomaali. Aqoonsiga dadweynaha, waxaa uu halbowle u yahay dowladnimadeena, maanta oo loo dabaaldegayo maalinta aqoonsida dadweynaha ee adduunka, waxaa guul u ah shacabaka iyo dowladda Soomaaliya in aan u saldhignay nidaamkaas, waxaan daahfurayaa aqoonsiga dadweynaha, waxaan daahfurayaa shirweynaha Aqoonsiga Qaran”.
Ugu Dambayn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Shiekh Adan Mohamed Nur” Madobe” ayaa u mahadceliyay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta oo ka soo shaqaysay hirgalinta Aqoonsiga Dadwaynaha.