Wasaaradda Arrimaha Gudaha Oo Daahfurtay Tababar Loo Qabtay Hay’adaha Hoostaga

 

 

 

 

 

Muqdisho, Sept 04, 2023; Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cabdixakiin Ashkir ayaa daah Tababarka Istiraatiijiyadda Xiriirka iyo Warbaahin oo loo qabtay Hay’adaha Hoostaga Wasaraadda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS.

 

 

 

 

Tababarkaan oo socon doona muddo afar cisho ah ayaa waxaa loo qabtay Hay’adaha kala ah, Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka, Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta Dadwaynaha iyo Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Soomaaliya.

 

 

 

 

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane C/xakiin Ashkir ayaa hoosta ka xarriiqay ahmiyadda uu Tababarkaan u leeyahay Hay’adaha Hoostaga Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Sidoo kale Wasiir Ashkir ayaa kula dardaarmay howlwadeennada ka qaybgalaya Tababarka in ay uga faaideeyaan shaqaalaha xarumaha ay ka socdaan oo ay shaqadoodu la xiriirto arrimaha Xiriirka iyo Warbaahinta.

 

 

 

 

Ugu Dambayn, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/xakiin Ashkir ayaa uga mahadceliyay Tababarayaasha sida ay waqtiga u galinayaan tayeynta xirfadlayaasha ka shaqeeya Arrimaha Xiriirka ee Hay’adaha Hoostaga Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS.