Xarardheere, Sept 02, 2023; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi oo haatan socdaal shaqo ku jooga magaalada Xarardheere.
Mudane Axmed Macallim Fiqi, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxaa uu ugu horreyn dhageystay baahiyaha kala duwan ee kajira guud ahaan degmada, iyaga oo qeybaha goobjooga ahaa sida odeyaasha, dhalinyrada iyo haweenka degmada ay qeyb weliba hordhigeen wasiirka baahida u gaarka ah, dalbadana wax kaqabasho.
Dhankiisa, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi waxaa uu kala hadlay ajendaha dowladda ee xorreynta deegaannada Mudug ee ay weli kajoogaan haraadiga Khawaarijta isaga oo ku dheeraaday abaabullada kala duwan ee socda iyo mideynta dadaalada, waxaa uuna adkeeyay sida loogu baahanyahay garab istaagga halganka Galmudug looga sifeynayo cadowga Shabaab isaga oo hadalkiisa kusoo gabagabeeyey in dowladda ay hortabin siin doonto hirgelinta mashaariic horumarineed oo laga fulinayo deegaannada la xoreeyay iyo kuwa la xoreynayo.