Muqdisho, Agoosto 26, 2023; Iyada oo laga duulayo hagidda Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi ee tallaabooyinka dowlad wanaagga, dhiirigelinta shaqada iyo shaqaalaha. Wasaaradda arrimaha Guddaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ayaa u igmatay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwangelinta Qaranka (NIRA) boos shaqo oo summadiisu ahayd WAG&FD/XW/0814, kaas oo tartankiisu u furnaa shaqaallaha Wasarradda gudaheeda oo kali ah, jagadaas oo ahayd Agaasimaha waaxda Shaqadda iyo Horumarinta Shaqaallaha.
Jagadan oo ay usoo tartameen labo iyo toban (12) ka mid ah shaqaallihii wasaarradda oo buuxiyay dhamaan shuruudihii looga baahna, si loogu kala saaro tartan hufan oo loo simman yahana NIRA waxaa ay agaasinkiisa u saartay afar xubnood kuwaas oo uu guddoomiye u ahaa Xasan Maxamed Aadan halka ay xubno ka kala ahaayeen Cabdicasiis Cabdi Cabdullahi, Sharma’arke Cali Kaahiye iyo Amiir Bahsiire Baarbe.
Tartamayaasha Jagada agaasimaha Shaqada iyo shaqaalaha ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya ayaa kala ahaa; Cali Cabdi Xasan, Asad, Maxamed Ibraahim, Cabdifitaax Nuur Axmed, Axmed Sheekh Cumar, Cabdiqaadir Xuseen Cumar, Cabdullahi Ibraahim Saalax, Maxamed Shire Xasan, Maxamed Sheekh Daahir, Cabdirisaq Carab Cabdi, Cali Axmed Guure, Mowliid Cilmi Xaashi, iyo Cabdidiqaadir Salaad Maxamed.
Tarmayaasha waxaa ay mareen labo imtixaan, mid qoraal iyo Imtixaan kale oo ahaa su’aalo furan, oo mid weliba leeyahay heer gaar ah iyo natiijadiisa.
Imtixaanka qoraalka ahaa wuxuu ka koobnaa afar qeybood oo kala aha (1). Sagaal (9) su’aalood oo ku saabsanaa waaxda shaqada iyo shaqaallaha (2). Shan (5) su’aalood oo ku saabsanaa ICT-ga (3). Shan (5) su’aalood oo ku saabsanaa shucuurta garaadka sare (Critical Thinking and Emotional Intelligence) (4). Hal su’aal oo qiimaynta xirfada ee luuqadda ingiriisiga iyo hab qoraalkiisa.
Intaa kadib, waxaa loo diyaariyay shanta qof ee kusoo baxday in heerkii labad ee kala saarida oo ahaa hab waraysi (interview) u diyaarsan qaab su’aaleed furan ay galaan sida; (1). Qiimaynta heer aqoonneed, khibrad iyo xirfadeedba (2). Qiimaynta hoggaamintiisa (3). . Qiimaynta xallinta khilaafaadka iyo lahaanshiyaha xirfaddaha fudud ee caawiya shaqada.
Ugu dambeyntii, warbixinta kasoo baxday natiijada imtixaanaadkii ay qaadeen guddiga qiimeynta ee ka socday Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwangelinta Qaranka (NIRA), waxaa ay soosaareen in uu ku guulaystay jagadii ama booskii Agaasimaha Shaqada iyo Hoprumarinta Shaqaallaha ee Wasaarradda Arrimaha Guddaha, Federaalka iyo Dib U Heshiisiinta Mudane Cabdifataax Nuur Axmed oo labadii imtixaan ee la qaaday ahaa mudanihii ugu sareeyay.