Isimada Guud Ee Gobolka Mudug Oo Kalan La Qaatay Wasiirka Arrimaha Gudaha DFS

 

 

 

Mudug, Agoosto 24, 2023; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi oo socdaal shaqo kujooga magaalada Galkacyo ayaa kulan gaar ah la qaatay Isimada guud ee gobolka Mudug ee Puntland, kuwaasi oo uu hoggaaminayey Islaan Bashiir Islaan Cabdulle.

 

 

Kulanka oo sidoo kale ay wasiirka ku Wehliyeen xildhibaannada barlamaanka Federaalka ah ka tirsan ee kala ah; Xil. Cabdisalaan X. Axmed Liibaan (Dhabancad) iyo Xil. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Cagaweyne) iyo guddoomiyaha Gobolka  Mudug ee Puntland ayaa inta uu socday  waxaa ay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Fiqi iyo Isimada Mudug ee Puntland ka wada hadleen dadaalada nabadda iyo dibuheshiisiinta ka socda gobolka Mudug oo ay garwadeenka ka yihiin isimada dhaqanku.

 

 

Dhanka kale,  wasiirka ayaa warbixin ka siiyey isimada hawlgallada dalka looga sifaynayo Khawaarijta gaar ahaan deegaanada ay ka haystaan gobolka Mudug iyo Galgaduud