Mudug Soomaaliya, Agoosto 22, 2023; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi aayaa kulan kula qaatay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug Odayaasha Dhaqanka, Dhalinyarada iyo Aqoonyahanka Beesha Cali Ibraahim (Baciidyahan).
Wasiirka iyo waxgaradka Beesha Reer Baciidyahan ayaa ka wada hadlay xoojinta iyo dardargelinta dadaallada nabadda iyo dib-u-heshiisiinta ee Beelaha Walaal ahaa ee wada daga gobolka Mudug.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa warbixin la xiriirta arrimaha dib u xoraynta iyo la dagllaanka khawaarijta siiyay odayaasha iyo waxgaradka beesha, isagoo Wasiir Fiqi faham buuxa ka siiyay dedaallada Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha ee dhanka nabad dhiska iyo Xasilinta.
Dhanka kale waxay odayaashu dhaqanku bogaadiyeen hawlgallada looga sifaynayo dalka kooxaha Khawaarijta ah iyo guulaha ay xaqiijinayaan ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya, iyagoo sidoo kalena caddeeyey sii laba-laabidda ka shaqaynta dadaalada dibuheshiisiinta iyo nabad ku wada noolaanshaha beelaha Soomaaliyeed ee wada daga Gobolka Mudug.
Ugu Dambayn, Wagaradka Beesha Baciidyahan ayaa muujiyay Dareenkooda ku aaddan sida ay ugu faraxsanyihiin waxqabadka iyo kaalinta odaytinimo ee Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi, iyagoo uga mahadceliyay ka shaqaynta nabadda iyo dhagaysiga tabashooyinka dadka deegannada Gobolka Mudug.